Beledweyne,(insidesomalia.org)- Warar soo baxay ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanka ee fariisinka ku leh Xerada Jante-kuudisho ee Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in uu jiro dhaq dhaqaaqa ay wadaan Ciidamada Itoobiyaanka oo doonaya sida wararku sheegayaan in ay isaga tagaan Xerada ay hada degan yihiin.
Warku waxaa uu intaa ku darayaan in Ciidamada Itoobiyaanku doonayaa in ay saldhig ka dhigtaan deegaanka Kala-beyr ama halka lagu magacaabo Qolad, si markaa ay biyo uga helaan Tuulada Ceel-gaal oo qiyaastii 13km dhinaca Waqoyi bari kaga beegan Magaalada Beleweyne.
Dadka iyagu ku dhaqan agagaarka Xerada ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya ee Jante-kuudisho ayaa sheegaya in Xalay uu jiray dhaq-dhaqaaq aad u weyn oo ay Ciidamadu Alaabahooda uga xir xiranayeen Jante-kuudisho, waxaan ay intaa ku dareen in laga yaabo saacadaha soo socda in qaar ka mid ah Ciidamadu ka dhaqaaqaan halka Xaruta u ah ee Xerada Janta-kuundesho.
Lakiin marka arinta dhinac kale laga eego ma'aha wax sahlan in mar kaliya Ciidamadu Itoobiyaanku baneeyaan Jate-kuudisho oo ah barkoontarool oo ay Ciidamadu siweyn ugala socdaan dhaq-dhaqaaqyada gadiidka gudaha ugalay Magaalada Beledweyne, iyada oo waliba xiligan ay jirto xiisado adag oo u dhaxeysa iyaga iyo Xoogagga Maxmadaha Islaamiga.
Dhinaca kale Mas'uul saaka u hadlay Maxkamadaha Islaamiga oo Lagu magacaabo Shekh Cismaan Labaabtan Jirow,kaasi oo ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa ku baaqey in lala dagaalamo Ciidamada Itoobiya iyo sida uu hadalka u dhigay kooxaha shareeco diidka ah ee la shaqeeya.
Shekh Cismaan ayaa waxaa uu intaa ku daray in marnaba aysan ka yeeli doonin waxa uu ku tilmaamay Ciidamada Cadawga in sidii hore oo kale ay isaga dhax mushaxaan gudaha shacabka Soomaaliyeed,islamarkaana ay la dagaalami doonaan hadii ay soo galaan gudaha Magaalada.
Hase ahaatee Shekhu marnaba sooma hadal qaadin sida ay dhinacooda u arkaan barakaca dadka rayidka ah, lakiin waxaa uu carabka ku dhuftay in looga baahan yahay dadka rayidka ah in ay is bar bartaagaan walaalahood u taagan difaaca diinta iyo dalka si markaasi meel looga soo wada jeesto Cadowga Dalka Kusoo duuley waa sida uu hadalka u dhigaye.